Jigjiga (ESTV) 10/06/2016
Waftigan ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed. Soo dhawayn ka dib waftigan ayaa waxaa loo soo galbiyay caasimada jigjiga.
Waftigan uu hogaaminayo wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka JDFI ayaa waxaa ku wehelinaya masuuliyiin ka socday wasaarada caafimaadka ee JDFI iyo masuuliyiin ka socday dhamaanba xafiisyada caafimaadka ee deegaanada dalka iyo 2 maamul magaalo ee JDFI.
Comments are closed