Wafti Uu Hogaaminayo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Caafimaadka JDFI Oo Lagu Soo Dhaweeyay garaad wiil-waal Airport.

13410747_1763539450590431_633287830_oJigjiga (ESTV) 10/06/2016

Waxaa garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay wafti uu hogaaminayo wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka JDFI mudane Dr  Amiir Aman.

1Waftigan ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska caafimaadka DDSI oo uu ka mid yahay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Cabdifataax Siciid Maxamed. Soo dhawayn ka dib waftigan ayaa waxaa loo soo galbiyay caasimada jigjiga.

Waxayna waftigani markii ay soo galeen xarunta deegaanka ee jigjiga booqdeen cusbitaalka Kaaraamardha ee magaalada jigjiga. wasiru dawlaha caafimaadka JDFI Dr Amiir Amar  ayaa u guurgalay adeegyada caafimaadka ee uu fudiyo cusbitaalka kaaraamardha  isaga oo ku soo waraagay dhamaanba waaxaha uu cusbitaalku ka kooban yahay sidoo kalena waraysanayay  xaaladaha bukaanka jiifa cusbitaalka Kaaraamardha.

2Waftigan  uu hogaaminayo wasiiru dawlaha wasaarada caafimaadka JDFI ayaa waxaa ku wehelinaya masuuliyiin ka socday wasaarada caafimaadka ee JDFI iyo masuuliyiin ka socday dhamaanba xafiisyada caafimaadka ee deegaanada dalka iyo 2 maamul magaalo ee JDFI.

Comments are closed