Xaflada Xuska 25aad Ee 20-Ka Ginbood Oo Siweyn Looga Xusay London

13410569_1763511650593211_2079518840_oLondon (ESTV) 10/06/2016

Jaaliyadda DDSI Ee UK Ayaa Xaflad Si Heer Sare Loo Soo Agaasimay Ku Qabtay Magaalada London Waxaa Ka Soo Qeybgalay Mas’uuliyiin Kasocda Safaarada Itoobiya ee UK  iyo Masuuliyiin Jaaliyadaha Reer Itoobiya Iyo Marti Sharif Kala Duwan.

Waxaa Ugu Horayn Furitaankii Xaflada Ka Hadlay Qunsulka Guud ee Safaarada Ahna Madaxa Jaaliyadda Mudane Fekdu Bayene oo uga mahad Celiyay Jaaliyadda DDSI ee UK Sida Weyn ay u Xusaan Munaasabadaha  Heer Qaran iyo Sida Ay Safaarada ula Shaqeeyaan Dhanka Hormarka Nabadgalyada iyo Taageerida Biyo Xidheenka Weyn ee Abay.

13410569_1763511650593211_2079518840_oWaxaa kaloo Halkaasi Ka Hadlay Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI ee UK Mudane Cali Taqal Oo Ka Warbixiyay Ahmiyada Xaflada Guusha  20ka Ginbood Xusitaanka Iyo Dabaaldaga Xuska Munaasabada 20ka Ginbood Waa Maalin Ku Wayn Quluubta Iyo Qalbiyada Qoomiyadaha, Shucuubta Iyo Dadyowga Dalkeena Itoobiya. Waana Maalin Mudan In La Wayneeyo Xusitaankeeda Waana Maalin Xusitaankeedu Ina Xasuusinayo Jihooyinkii  Looga Soo Gudbay  Dhibaatooyinkii Iyo Cadaadiskii Iyo Cabudhintii Qoomiyadaha Iyo Shucuubta Itoobiya Ay Ku Jireen Maamuladii Boqortooyadii Iyo Kaligii Taliskii Dhergiga.

Gudoomiye Cali Ayaa Inta Ku Daray In Maanta Shacabka Dalka Itoobiya Iyo Gaar Ahaan Deegaanka Somalida Itoobiya Ay Haystaan Dimuqoraadiyada Iyo Hormar Dhamaan Qowmiyadaha Iyo Shucuubta Dalkeena Itoobiya 25 Guuradii 20ka Ginbood Maanta Waxeynu Ku Dabaal Dageynaa Hormar Nabad Galyada Iyo Maamul Suuban. 20ka Waxaa Marqaati u ah guusheeda Airpotika weyn ee laga hirgaliyay Magaalada Qabridahare ee gobolka Qoraxey taasoo ay hirgalisay Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynaha DDSI ee mudane Cabdi maxamuud Cumar oo Miisaaniyad Heer deegaan lagu hirgaliyay Waa guul lataaban karo taasina waa mirihii 20ka Ginbood.

Ugu dambeyntii Xaflada ayaa waxaa ku soo Gababagoobday Guul iyo Farxad waxaana ka hadlay Masuuliyiin Jaaliyddaha iyo gaar ahaan jaaliyadda DDSI ee UK.

Comments are closed