Ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah AMISOM oo billaabay Dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Al-shabaab

itoobiyaHalgan (NN) 11/06/2016

Kaddib Weerarkii Halgan ee Dhimashada badan Sababay Ciidamada Dalka Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa Dowladda Somalia oo is-kaashanaya  ayaa dhaqdhaqaaqyo Millateri oo lagu baac-sanayo Al-shabaab ka billaabay deegaanno dhaca gallbeedka gobolka Hiiraan.

Sarkaal u Hadlay Ciidamada Dowladda Soomaliya oo Magacaabo, Maxamed Cumar, ayaa xusay in ciidamada oo labo jiho u kala dhaqaaqay qeybtoodii ugu horeysay gaareen fariisin Al-shabaab ay ku lahaayeen halka lagu magacaabo wabxo oo ka tirsan deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan.

Iska-horimaad halkaa ka dhacay ayuu xusay inay ku dileen in ka badan 10 ka tirsan dagaal-yahannada Al-shabaab, isaga oo intaa ku darray in loo xaqiijiyay dhaawaca sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda oo magaciisa uu ku soo koobay Dhuxul.

Dhaqdhaqaaqyada militari ee ciidammada is baheysanaya — ayaa u muuqda kuwo jawaab u ah weerarkii Ururka Al-shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Itoobiya ay ku lahaayeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Ugu danbeyntii, illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay Al-shabaab kasoo saareen Hawl-gallada la sheegay in looga qabsaday xeryo ay ku lahaayeen Galbeedka Gobolka Hiiraan.

 

Comments are closed