Daawo Furitaankii Ciyaaraha EUROCUP iyo Guushii Xulka France

faracneFrance (NN) 11/06/2016

Waxaa xalay ka bilowday dalka France koobka Ciyaaraha kubada cagta ee Qaarada Yurub, waxaana ciyaartii furitaanka ay kooxda Xulka France 2-1 uga guuleysteen xulka wadanka Romania.

Ciyaaraha sanadkan ayaa kusoo beegmay xili wadanka France ay ka jiraan cabsi dhanka amaanka ah iyo waliba mudaharaadyo saameyn weyn ku yeeshay dalkaasi, balse ciyaaraha ayaa la furay xiligii loogu talo galay.

Xulalka France iyo Romania oo kamid ah Group A ayey ciyaar kulul dhexmartay, waxayna guusha raacday xulka France oo daqiiqadii 89’aad dhaliyey goolkii labaad, waxaana guushaasi usoo hooyey France laacibka Dimitri Payet oo isagu xalay ciyaar aad u wanaagsan soo bandhigay.

Ciyaarta maanta oo Sabti ah ugu muhiimsan ayaa dhici doonta caawa waxaya dhex mari doontaa xulalka England iyo Russia.

eurocupfuritaan2

 

Comments are closed