Safaarada Turkiga Oo Afur-sharafeed U Samaysay Madaxwayne Kuxigeenka DDSI

20160612_01494720160612_014947JIGJIGA  ( ESTV) 11/06/2016

Safiirka safaarada turkiga ee wadanka itobiya ayaa afur-sharafeedheer sare ah u sameeyay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax.

Afur-sharafeedkan ayaa waxaa madaxwayne kuxigeenka ku wahelinayay madaxwaynaha deegaanka Herarida, afhayeenka herarida, iyo madax-xafiiseedka xafiiska maayorka diredhaba.

Hadaba madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax iyo safiirka  ayaa  kawada hadlay arrimo muhiim u ah deegaankeena oo ay kamid yihiin qalabaynta hospitaalka wayn ee meles-memorial referral hospital iyo dhanka waxbarashada gaar ahaan iskuulada modelka ah. Sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii la isugu xidhi lahaa labada magaalo ee jigjiga iyo stanbul khaasatan dhanka nidaamyada horumarinta

Ugu danbayna madaxwayne kuxigeenka ayaa ku casuuntay safiirka turkiga inuu yimaado magaalada jigjiga ee xarunta DDSI kaasoo imaanshihiisa lafilayo goor-dhaw.

Comments are closed