Wafdigii Itoobiya oo Maanta Kulan La yeeshay Ardeyda Jaamacada Canberra Australia

20160611_211836Australia  (ESTV) 11/06/2016

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar Wafdi uu Hoggaaminayo oo Maanta  kulan kula yeeshay Ardeyda Wax kabarta Jaamacada Canberra Ee dalka Australia Madaxweynaha iyo Wafdigiisa oo ay safar ku joogaan Dalka Australia ayaa Ardeyda Jaamacada Canberra ee dalkaas ku nool ayaa waxey ka dalbadeen inay la kulmaan madaxdooda oo safar shaqo ku joogaan dalka Australia ay diyaar u yihiin in ay ka qaataan Hormarka iyo Maamulka Suuban ka jira Dalka Itoobiya.

Madaxweynaha DDSi wuxuu ka dalbaday guud ahaan Ardeyda iyo jaaliayadaha Reer Itooobiya ee caalamka dacalladiisa ku nool inay maalgashi ku sameystaan dalkooda, ayna qaybtooda ka qaataan sidii uu dalku u noqon lahaa mid Wadamada Hodanka ah uu uga mid noqon lahaa.

“Ogaada dalkiinnu idinka ayuu idiin baahan yahay waxaana tihiin laf-dhabarkii dalka. Sidaa daraadeed waa inaad taageertaan dowladda, waayo waa laga soo gudbay xilligii Aqoon yarida dhibka kaliye ee maanta nahysto Waa Aqoon yari,” ayuu Cabdi Maxamuud ka sheegay kulankii uu la qaatay Ardeyda Jaamacada Canberra.

Madaxweynuhu wuxuu uga digay Ardeyda  dibadaha dalka ku nool qabyaaladda, isagoo sheegay in qabyaaladdu aysan waxba kusoo kordhinayn inay wax u dhinto mooyaane, isagoo ku boorriyay inay qabyaaladda ka fogaadaan.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ku ammaanay Ardeyda ee dalka Australia sidii diiranayd ee ay u soo dhaweeyeen Wafdiga, isagoo sheegay in taasi ay isaga iyo Wafdigiisa ay u tahay dhiirrigelin weyn. Wuxuu sheegay in dowlada Federaalka ay ku dadaalayso sidii ay Fursadaha Ka jira Dalka ardeyda looga Qeybgalinayo Iyo maalgeshi ugu sameysan lahaayeen hay’adaha caalmiga ah.

Ugu dambeyntii. Ardeyda Jaamacada Canberra ayaa Madaxweynaha Su’aalo Badan Weydiyeen Dhanka Maamulka suuban Madaxweynaha DDSi ayaa dhamaan Su’aalaha Jawaabtii uu siiyay Ay aad u soo dhaweeyeen aadna ugu farxay

Comments are closed