Haweenka Soomaaliyeed oo lagu boorriyay inay ka qayb-qaataan doorashooyinka Dalka

muqdishoMuqdisho 12/06/2016

Kulan lagu qabtay Muqdisho ayaa loogu baaqay Haweenka Soomaaliyeed inay ka Qayb-qaataan Siyaasadda Soomaaliya iyo Doorashada la Filayo inay Somalia ka dhacdo daba-yaaqada 2016-ka.

Xubnihii ka qayb-galay kulankan ayaa waxaa ka mid ah; Taliska AMISOM, Waxaana lagu dhiirri-geliyay Haweenka Soomaaliyeed inay u kacaan sidii ay xuquuqdooda u soo dhacsan lahaayeen; ayna qayb ka qaataan isbedellada dalku wajahayo, ayna Door ka qaataan arrimo ay ka mid yihiin; Siyaasadda iyo ka Qayb-galka doorashooyinka dadban ee lagu wado inay dalka ka dhacdo dhammaadka sannadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Ku xigeenka Madaxa AMISOM, Laydia Wayotta oo Kulanka ka Hadashay, ayaa si aad ah ugu dheeraatay doorka dumarka ee siyaasadda dalka, iyadoo qirtay in Dumarka ay saldhig u yihiin Nabadda xilligaan ka jirta Somalia, iyadoo xustay inay Haweenku xaq u leeyihiin inay doorashada Soomaaliya ka dhici doonta doorka kaga aaddan ka qaataan.

“Waxaa muhiim in Midowga Afrika uu caawiyo Dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda si dalka ay loogu soo celiyo amni iyo xasillooni. Waxaan Aragnay in Somalia Nabaddii ay ku soo laabanayso, mana dhici lahayn haddii aanay Haweenka Soomaaliyeed ka Qayb-qaadan lahaayeen, Waxaana inoo cad in Haweenku ay saldhig u yihiin Nabad ka dhalata Somalia,” ayay tiri Laydia Wayotta.

Sidoo kale, Waxaa kulankaas ka hadashay Guddoomiyaha Degmada Waaberi, Xaawo Kiin Maxamuud Cali, iyadoo Haweenka Soomaaliyeed ku boorrisay inay qaybtooda ka qaataan siyaasadda dalka, ayna isku Dul-qaataan, Dadaalna u galaan sidii ay Xuquuqdooda Gaarka ah u soo dhacsan lahaayeen.

“Anigu, Waxaan Maanta caddeynayaa in Haweenka Soomaaliyeed ay Xaq u leeyihiin inay dalka hoggaamiyaan, isla markaana ay wax dooran karaan iyagana la dooran karo, kulanna waa mid ujeedadiisu tahay in haweenka Soomaaliyeed lagu booriyo xuquuqda ay leeyihiin, waana kulan ay soo agaasintay AMISOM,” ayay tiri Xaawo Kiin.

Ugu dambeyntii, Kulankan dhiirri-gelinta Haweenka ah ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli lagu wado in Dhammaadka Sannadkan ay Doorashooyin ka dhacaan Soomaaliya kuwaasoo lagu soo xulan doono xildhibaannada cusub iyo madaxweynaha Somalia Hoggaamin doona sannadaha soo socoda.

 

Comments are closed