Jaaliyadda DDSI Ee Belgium Ayaa Gudoomiye Ku meel gaadh Doortay

20160612_235247Belgium  (ESTV) 13/06/2016

Kulanka gudiga fulinta jaaliyadda ddsi ee belguim oo maanta ka qabsoomay  magaalada Gent ayaa laga tashanayay aayaha jaaliyadda iyo waxyaabaha u qabsoomay jaaliyadda iyo baahiyahay ka jira jaaliyadda dhaxdeeda ayaa la isla gartay in isbadal lagu sameeyo maamulka   jaaliyadda    iyadoo si kumeelgaadh ah gudoomiye loogu doortay mudane cabdifatax maxamed macalin gudoomiye kugeenka loodooortay  mudane maxamed badri.
Sidoo kale waxa xilka laga qaaday gudoomiyihi hore ee jaaliyadda ddsi ee belguim  mudane cabdulaahi  maxamuud iyadoo gudiga u mahadceliyeen intii uu xilka hayay waxii  u qabsoomay

Gudiga fulinta ayaa isla gartay shirweynaha jaaliyadda in la qabto bisha 8 aad xiliga laga soo noqd fasaxayada qaar kamid ah gudiga fulinta ay jigjiga ku aadayaan.

2016-06-12-19.54.20_1465754581018-800x447Gudoomiye cabdifatax maxamed macalin oo ah  xubin aad u firficoon oo maanta loo dhiibay hogaanka jaaliyada ayaa la filayaa wax yaalo badan oo ay maamulkii hore ka gaabiyeen in uu wax kaqabto  jaaliyadda gaadhisiiyo kana shaqeeyo sidii jaaliyadda belguim ula jaanqaadi lahayd jaaliyadaha ddsi ee qurbaha deegaanka maalgashi ugu sameysan la hayeen.

Comments are closed