Aqoon Iswaydaarsi Kusaabsan Barnaamijka BSC ga

20160615_075730Jigjiga  ( ESTV) 14/06/2015

Aqoon is waydaarsi ku saabsan barnaamijka halbeega waxqabadka isku dheeli tiran ee (BSC) oo uu soo agaasimay xafiiska adeega shacabka iyo horumarina cududa shaqaalaha DDSI islamarkaana ay kasoo qaybgaleen wasiirada, iyo agaasinada DDSI ayaa maanta ka dhacay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan.

??????????????

Hadaba tababarkan ayaa  waxaa ugu horayn furitaankiisii ka hadlay Madaxwayne Kuxigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta beeraha iyo  khayraadka dabiiciga ah DDSI marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay in ay aad ugu faraxsantahay furitaanka shirkan ku saabsan aqoon iswaydaarsiga barnaamijka BSCga  kaasoo larabo maanta in si balaadhan ay u uga doodaan hogaamintu islamarkaana ay u qaataan si ka gonaansho leh maadaama oo uu barnaamijkani inbadan soo socday lagasoo bilaabo 2004 T.I oo lagu soo qaatay xarunta tababarada dalka ee Debresayt kadibna marlabaad si cusub dib loogu diyaariyay kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI. Waxayna intaa kudartay madaxwayne ku xigeenku in barnaamijkani yahay mid larabo inuu lajaanqaado qorshaha kobaca iyo isbadalka wajigiisa 2aad (GTP2).islamarkaana lagu soo bandhiga doono daraasaadkii BSCga.

bscc4Sidookale core-teamka BSCga ayaa u soo bandhigay wasiirada documentigii daraasaadka BSC ga islamarkaana ay wasiirrada iyo agaasinadu ay si balaadhan su’aalo iyo talo bixino ugu soo jeediyeen core teamka iyadoo core teamkuna uu sifiican uga jawaabay su aalihi una qaateen dhamaan talo bixinadii loo soojeediyay.

??????????????

Ugdanbayna wasiir kuxigeenka xafiiska maamulka DDSI mudane Ibraahim Aadan Mahad oo su aalaha iyo dooda hogaaminayay ayaa markii ay dhaamatay doodu isna dhankisa ka hadlay oo sheegay in hirgalinta iyo dhaqangalinta barnaamijkan BSC uu yahay mid aad muhiim ugu ah geedisocodka shaqada iyo shaqaalaha DDSI islamarkaana ay lagama maarmaantahay in hogaaminta sare iyo hogaaminta dhaxe labaduba ay si ka go’naansho leh u qaataan gaar ahaan 34tii xafiis ee daraasaadkooda BSC ga la sameeyay.

Comments are closed