Afghanistan: Weerar ay ku dhinteen in ka badan 80 qof

ghnistanAfghanistan (NN) 15/06/2016

In ka badan 80 qof ayaa ku dhimatay weerar ka dhacay magaalada Charchino ee gobalka Uruzgan ee dalkaasi Afghanistaan.

Weerarkan ayey Salaasadii shalay soo qaadeen maleeshiyaadka Talibanka kuwaasi oo isku dayaya inay la wareegaan gobalkaasi ku yaal bartamaha Afghanistan.

Khasaaraha ugu badan ee weerarkan ka dhashay ayaa la sheegayaa inuu soo gaaray maleeshiyaadka Talibanka oo ay dowladu sheegatay inay ka dishay ugu yaraan 75 qof. Waxaa sidoo kale dagaalada ku dhintay in ku dhaw 20 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowlada.

Dagaalkan shalay ka bilowday gobalkaasi Uruzgan ayaa la sheegay inuu weli socdo, sida uu xaqiijiyey xafiiska Guddoomiyaha gobalkaasi.

Comments are closed