Daawo Obama oo jawaab adag ka bixiyey hadalada Islam Naceybka ah ee Trump Video

obama1Mareykanka (NN) 15/06/2016

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa si adag uga jawaabay hadalo lid ku ah muslimiinta oo kasoo baxay Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga ee Donlad Trump oo markale sheegay inuu haduu noqdo Madaxweyne mamnuuci doono muslimiinta yimaada wadanka Maraykanka.

Barack Obama ayaa sheegay hadalada kasoo yeeraya Trump ee ku dheehan muslim naceybka aysan wax xal ah keeni doonin isla markaana ay yihiin hadalo aan loo dulqaadan karin oo ka horimaanaya dhaqanka iyo sharciga wadankaasi Maraykanka.

Donald Trump oo todobaadyadii lasoo dhaafay fadeexooyin ka heysteen shirkadaha uu leeyahay oo ay dacwado kala duwan ku socdaan ayaa weerarkii habeenkii Sabtidii ka dhacay magaalada Orlando u adeegsaday ololihiisa, isagoo sheegay in hadii uu xilka ku guuleysto uu joojin doono dadka muslimiinta ah ee doonaya inay degenaansho ka helaan wadanka Maraykanka.

Obama oo ay wajigiisa caro ka muuqato ayaa ku sheegay hadalada Trump kuwo aan salka kuheyn wax cilmi ah balse ay yihiin hadalo la doonayo in lagu kala qeybiyo bulshada Maraykanka, isagoona sheegay in dhamaan weerarada ka dhacay gudaha Maraykanka ay geysteen dad ku dhashay gudaha dalkaasi.

Obama-Jawaab-Trump

 

Comments are closed