Daawo USA: Booliiska oo toogtay ninkii weeraray Dukaanka Walmart gobalka Taxes – VIDEO

teaxTaxes (NN) 15/06/2016

Booliiska magaalada Amarillo ee gobalka Taxes ayaa sheegay inay toogasho ku dileen ninkii weeraray dukaanka Walmart, iyadoo ay warbaahinta Maraykanka qaarkeed faafiyeen in ninkaasi uu ahaa Soomaali.

Laamaha Amaanka ee magaalada Amarillo ayaa sheegay in ninka weerarkan geystay lagu magacaabo Mohammad Moghaddam, booliiska ayaa shalay saxaafada usheegay in ay baadi goobayeen nin Soomaali ah.

Somali man holds a Texas @Walmart hostage today but I’m sure it has nothing to do with extreme Islamic terrorism ?http://www.breitbart.com/big-government/2016/06/14/hostage-situation-in-amarillo-walmart-police-searching-for-somalian-man/amp/ 

Photo published for Hostage Situation in Amarillo Walmart: Police Say Suspect was Shot Dead

Hostage Situation in Amarillo Walmart: Police Say Suspect was Shot Dead

A hostage situation in a Walmart in Amarillo, Texas, has police searching for a “Somalian man wearing Khaki pants.”

breitbart.com

Ninka falkan geystay ayaa la sheegay inuu horey uga shaqeyn jiray dukaankaasi, isla markaana uu muran dhexmaray Madaxa xaruntaasi laga adeegto. Wuxuuna qafaashay mid kamid ah shaqaalaha iyo madaxii xaruntaasi, walow uu markii danbe siidaayey.

Booliiska ayaa sheegay inay toogteen ninkaasi isla markaana uu markii danbe u dhintay dhaawacii soo gaaray, waxayna sheegeen in weerarkan uusan ahayn fal argagaxiso balse ku kooban yahay muran u dhaxeeyey shaqaalaha xaruntaasi.

Comments are closed