Masuul ka tirsanaa maamulka Gobolka Banadir oo dabley ku dishey Dharkeynley

sedyoMuqdisho (NN) 15/06/2016

Koox dabley ah ayaa ku diley laba qof degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho

Guddoomiye kuixgeenkii hore ee Degmada Dharkeynley Cabdullaahi Ibraahim Isbiimo iyo qof la socdey ayaa laba qof oo hubeysani ku dileen degmada Dharkeynley, sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku dhawaa marka dilku dhacaayey.

Dilka waxaa lagu fuliyey Mooto ay saarnaayeen laba qof, marka la dilaayey masuulkan waxa uu saarnaa gaarigiisa oo ay rasaas ooda uga qaadeen, waxaana ku dhaawacmey qof saddexaad sida ay sheegayaan warar aanu ka helney dad ku dhawaa halka weerarku ka dhacay.

Rabbi ha u naxariistee Cabdullaahi Ibraahim Isbiimo ayaa dhawaan loo magacaabey Agaasimaha Kormeerka Degmooyinka Maamulka gobolka Banaadir.

Ciidanka Amaanka ayaa degmada Dharkeynley ka wada baaritaan sidii loo soo qaban lahaa dadkii falkan geystey.

Dilkan ayaa imaanaya laba maalmood ka dib markii maamulka Gobolka Banaadir sheegeen in ay amniga kula xisaabtamayaan guddomiyaasha degmooyinka fal danbiyeedku ka dhaco, haddii ay keeni waayaan cidii denbiga gashey iyaga loo xiraayo!!.

Comments are closed