Turkey: Erdogan oo doonaya in 4 sano lagu xukumo Ciyaaryahan hore Hakan Sükür

bTurkiga (NN) 17/06/2016

Xeer illaalinta dalka Turkiga ayaa dacwad kusoo oogtay Ciyaaryahankii hore ee caanka ahaa Hakan Sükür oo sidoo kale horey usoo noqday Xildhibaan, waxaana lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey Madaxweyne Tayyib Erdogan.

Hakan2

Hakan Sükür ayaa kamid ah ciyaartoydii ugu caansanaa ee soomara xulka Qaranka Turkiga, isla markaana sanadkii 2011 loo doortay Xildhibaan xisbiga talada haya ee AK party. Sükür ayaa xisbiga Erdogan isaga baxay kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Tayyib Erdogan iyo Hogaamiyaha Islaamiga ah ee Fethullah Gülen.

Danbiga lagu eedeeyey ninkan caanka ah ayaa la xariira Qoraal uu ku shaaciyey bartiisa Twitterka, isla markaana la sheegay inuu aflagaadeeyey qoyska Madaxweynaha, walow aan lasoo bandhigin wax ku qornaa qoraalkaasi twitterka.

Qareenka Dowlada ayaa ka codsaday maxkamada in 4 sano lagu xukumo xildhibaankan hore.

Maaha markii ugu horeysay oo Maxkamad lasoo taago dad caan ka ah dalkaasi Turkiga oo lagu eedeenayo inay aflagaadeeyeen Madaxweynaha, waxaana sanadihii lasoo dhaafay Madaxweyne Erdogan olole ku waday in xabsiga dhigo cid walba oo ku aflagaadeysa baraha internetka ee lagu sheekaysto, isagoo cuskanaya qodob kamid ah Dastuurka dalkaasi oo sheegaya inaan hogaamiyaha wadanka la aflagaadeyn karin.

Comments are closed