Xildhibaanno ka tirsan Isbahaysiga Mucaaradka Waddanka Kenya oo Xiran Maalintii Saddexaad

sheegenKenya (NN) 17/06/2016

Xildhibaano Kenyan ayaa maalintii 3aad xiran kadib markii la sheegay inay sheegeen hadalo xanaf leh isla markaana shacabka colaad ka dhex abuuri kara ayadoo Kenya lagu wado in doorasho guud ay ka dhacdo sanadka soo socda.

Xildhibaanadaa ayaa badankoodu ka tirsan mucaaradka gaar ahaan isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD ee uu hoggaamiyo raisul wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga.

Waxaa xildhibaanadaa xiran ku jira nin Soomaali ah oo laga soo doortay Suna Migori oo ah degmo kutaal galbeedka Kenya laguna magacaabo Junet Maxamed.

Maanta wixii laga bilaabo ayaa waxaa lagu wadaa in maxkamad lasoo taago.

Kenya ayaa colaado ka dhaceen lagu hoobtay sanadihii 2007 iyo 2008 xilligii doorashada guud ee sanadkii 2007 kadib markii muran uu ka dhacay doorashadaa.

Waxaa ku dhintay rabshadii doorashadaa ka dambeysay dad tiradoodu kor u dhaaftay 1000 qof boqolaal kuna waa ay ku bara kaceen.

 

Comments are closed