Xog: Dadkii Tahriibta ahaa ee ku geeriyootey Xadka Zambia iyo Kongo, Soomaali ma ahayn!

zabawiKongo (NN) 17/06/2016

Maalintii shalay waxaa saxaafadda caalamu faafisey in 18 qof oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen Xuduudka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Kongo kadib markii lagu soo qarayiyey Konteendher, dadka saarnaa tiradooda ayaa la isku khilaafay waxaana wararku sheegeen in ay u dhexeeyeen 50 -100 qof.

Jaaliayadda Soomaalida ee ku nool dalka Zambia ayaa soo sheegaya in ay guddi u direen halka Musiibadu ka dhacdey, waxaana ay xaqijiyeen in dadkaas dhamaantood ay ahaayeen Itoobiyaan oo aysan Soomaali ku jirin.

Ganacsade Cabdirashiid M. Cumar oo ku nool magaalada Lusaka ayaa Horseed Media u sheegay in warka khaladkiisu ka baxay Booliska Zambia iyaga oo soo xiganaya war ay ka heleen Kongo Kinshasa
maadaama musiibadu ka dhacdey xadka labada dal.

Sawiro laga soo qaadey meydadka dadkan ayaa sidoo kale mujinaya in ay yihiin Itoobiyaan iyada oo labada dad aad isugu muuqaal dhaw yihiin.

Comments are closed