Madaxweynaha Kenya oo Magacaabay Guddi ka Shaqeyn Doona Horumarinta Jaadka – Qaadka

HAADKENYA (NN) 18/06/2016

Madaxweynaha dalkan Kenya, Uhuru Muigai Kenyatta ayaa magacaabay guddi ka kooban 14-xubnood kaasoo ah guddi farsamo oo ka shaqeyn doona horumarinta jaadka iyo suuq geyntiisa.

Guddigaa farsamo ayaa wuxuu shaqeyn doonaa hawlihiisana uu ku soo koobi doonaa muddo 3 bilood ah sida faafin rasmi ah oo dawlada Kenya ay leedahay lagu caddeeyay maalintii shalay ahayd.

Guddiga ayaa waxaa guddoomin doona ninka lagu magacaabo Geoffrey Nchooro M’mwenda ayadoo uu dhanka guddoominta ka caawin doono Dr Richard Leresian Lesiyampe.

“Asagoo la tashan doona beeraleyda, ganacsatada iyo masuuliyiinta arintaa ku habboon ayaa guddiga farsamo uu ku talo bixin doonaa istaraatiijiyado iyo waxqabad taageeri doona horumarinta suuqa jaadka,” sidaa waxaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay aqalka madaxtooyada ee dalkaan Kenya Jimcihii shalay.

Gaar ahaan guddiga farsamo wuxuu go’aamin doonaa siyaabo dib loogu soo celinaayo suuqyadii la waayay laguna soo helaayo suuqyo cusub oo jaadka loogu tala galay.

“Guddiga farsamo ayaa sidoo kale wuxuu garan doonaa dadaalo, hawlo iyo wax qabad agabka dawlada iyo shiriigyada kale ay bixiyeen uu bara taari karo,” bayaanka ayaa intaa raaciyay.

Hawlo kale oo guddigu qaban doono ayaa waxaa qeyb ka ah cilmi baaris loogu tala galay beerashada qaadka, noocyadiisa kala gadisan sidii loo horumarin lahaa iyo sidii tayadiisa sare loogu qaadi lahaa, waa sida hadalka loo dhigaye.

Guddiga ayaa sidoo kale muujin doona fursado loogu tala galay horumarinta awooda beeraleyda oo ay kujirto soo helida iyo hirgalinta beero tababar arinkaa la xiriira loogu tala galay.

Faafinta rasmiga ah ee shalay Jimcihii soo baxday ayaa sidoo kale dhigaysa in guddigu uu go’aamiyo qaabab hayadeed iyo qaabab maamul oo loogu tala galay tayaynta jaadka iyo ganacsiyo beera qodasho oo dheeraad ah kuwaasoo loogu tala galay beeraleyda jaadka.

Xog-heynta guddigaa farsamo ayaa fadhigeedu yahay ama ahaan doonaa dhismaha Kilimo House ee magaaladaan Nairobi  halkaas oo ay daggan tahay Wasaarada Beeraha, Xoolaha Nool iyo Kalluumeysiga ee Kenya.

Xog-heynta guddigaa farsamo ayaa la daggan ama la dageysa wasaaradaa.

Tafatiraada Hiiraan Online

Jaadka ayaa waxaa lagu beeraa oo uu kasoo go’aa degmada Meru ee dalka Kenya waxaana gaar ahaan lagu beeraa gudaha iyo daafaha magaalooyinka Meru iyo Maua.

Dadka ugu badan ee cuna jaadka ayaa ah Muslimiinta gaar ahaan dadka Soomaaliyeed. Suuqa ugu weyn ee jaadka loo dhoofsho waa Soomaaliya.

Dhibaatooyin badan oo dhanka caafimaadka ah ayuu leeyahay iyo weliba dhibaatooyin dhanka ijtimaaciga ah.

Eed ballaaran ayaa ka timid jaadka oo maalintii ugu yaraan hal milyan oo beeso adag ah (doolarka Mareykanka) ay dalka Soomaaliya ugaga baxdo sida daraasado la sameeyay ay sheegayaan.

Hadal hayntiisa ayaa dhawaan gudaha Soomaaliya badnayd jaadka iyo sidii loo joojin lahaa; bannaan bax ayaa ka dhacay dhawaan xaafada Soomaalidu u badan tahay ee Islii ee Nairobi Kenya kaasoolooga soo horjeedo jaadka iyo guud ahaan maandooriyeyaasha kale oo kusoo badanaaya mujtamaca Muslimiinta gaar ahaam Soomaalida waxaana maandooriyeyaashaa ka mid ah sidoo kale shiishada oo rag iyo dumar aan loo kala harin halkii mar oo la jiidana lagu qiyaasay inay u dhiganto boqol sigaar oo kale isla markaana xanuuno badan iyo xataa dhimaso keeni kadha.

Suuqyada la waayay dhawaan ee warbixintaan kujira ee sare lagu soo xusay ee jaadka loo dhoofin jiray waxaa ka mid ah dalka Britain oo laga mamnuucay in loo iib geeyo.

Xataa gudaha Britain waxa ku cuni jiray jaadka waa Soomaali iwm.

 

Comments are closed