Daawo Xisbiyada Cunsuriyiinta Europe oo shir ku yeeshay dalka Austria – VIDEO

surtaliaAustralia (NN) 18/06/2016

Xisbiyada cunsuriyiinta ee ka jira qaar kamid ah dalalka Yurub ayaa shir ay ku yeesheen magaalada Vienna ee dalka Austria ku sheegay in ay kasoo horjeedaan Midowga Yurub, Qaxootiga iyo Islaamka.

Shirkan ayey ka qeyb galeen xisbiyada cunsuriyiinta ee ka jira dalalka Germany, France, Denmar iyo Austria kuwaasi oo sheegay inay ka wadatashanayeen sidii lagu badbaadin lahaa mustaqbalka dadka reer Yurub, waa siday hadalka u dhigeenee.

Dalka Austria oo uu shirkan ka dhacay ayaa doorashadii ugu danbeysay ee ka dhacday codod badan ku heleen xisbiga Cunsuriga ah (Freedom party) ee kasoo horjeeda soo dhaweynta dadka qaxootiga ah.

Hogaamiyaha xisbiga cunsuriyiinta Austria Hainz-Christian Strache ayaa sheegay in qaarada Yurub ay khatar ku hayaan dadka qaxootiga ah iyo waliba Islaamka, wuxuuna sheegay in hadii ay awooda helaan ay dib u celin doonaan dadka qaxootiga ah ee wadamadooda yimaada.

Haweenayda iyaduna hogaamisa xisbiga cunsuriyiinta France ee Mrs.Marine Le Pen ayaa sheegtay inay rajeenayaan in dhawaan aftida ka dhici doonta dalka UK ay guuleystaan dadka doonaya inay isaga baxaan Midowga Yurub, iyadoo sheegtay inay taageersan tahay in lagu kala tago dhismaha Midowga Yurub oo ay sheegeen inay la wareegeen awoodihii u gaarka ahaa shucuubta Yurub.

Comments are closed