Hay’adda Bisha Cas Oo Afurin iyo Raashin Qaybin U Samaysay qaar ka mid ah Barakacayaasha Boosaso

afurBoosaaso (NN) 18/06/2016

Hay’ada Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta ayaa Afurin u samaysay dad dhan 300 oo qof, kuwaas oo ah qaar ka mid ah  Barakacayaasha ku nool magaalada Boosaaso ee xaruna Gobolka Bari.

Sido kale, Hay’ada ayaa Raashin qaybin u samaysay qoysas ka badan 100, xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Goobta Munaasabada Afurinta ah ay ka dhacday, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socday Hay’adda, waxaana Afurintu ay u dhacday si habsami leh.

Cabdirisaaq Xusseen Maxamuud oo ka socday Hay’ada Bisha Cas ayaa sheegay in Barnaamijkan ay Hay’adu samaysay ka dib markii ay aragtay baahida loo qabo.

‘’Waxaa sharaf u ah Hay’ada Bisha Cas ee Imaaraatka Carabta inay Raashin qaybin iyo Afurin u samaysay walaalo Soomaaliyeed oo ku nool Boosaaso, dadka la afuriyay waxaa laga soo xulay Kaamamka Barakacayaasha Boosaaso’’Ayuu yiri Cabdirisaaq Xusseen.

Wuxuu inaas ku daray‘’….Waxaan sido kale waxaan Raashin u qaybinay qoysas dhan 120 qoys, waxaana ugu tala galnay inay ku Afuraan bisha barakaysan ee Ramadaan, waan soo wadaynaa hawshan’’

Ma aha markii ugu horaysay oo  Hay’ada bisha Cas ee Imaaraatka Carabta ay Afurin iyo Raashin qaybin u sameeyaan dad barakacayaal ah oo ku nool magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

12345678910

Comments are closed