Madaxweyne K/Xigeenka DDSi oo Xadhiga ka jaray Dugsi sare Tuulada BiKi

Screenshot_20160619-002113Biki (ESTV) 18/06/2016

Masuuliyiin sare oo uu ugu horeeyo madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane mawliid haayir xasan, ayaa maanta  xadhiga ka jaray dugsi sare oo laga dhisay centerka Biki ee degmada Afdam. Waxaana kuwa helinayaygudoomiyaha gobolka siti mudane cabdiwali maxamed faarax masuuliyiin heer degmo ah iyadooy xafladana ay kasooqaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada centerka biki ee degmada Afdam.

Hadaba madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo uu horayn ka hadlay xaflada ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in maanta ay xadhiga kajaraan dugsiga sare ee laga dhisay centerka Biki ee ka tirsan degmada afdam. Wuxuuna  intaa kudaray madaxwayne kuxigeenku in dugsigan sare ee Biki uu kamid yahay 14 dugsi sare oo u qorshaysnaa xafiiska waxbarashada DDSI in laga dhiso deegaanka sanad miisaaniyadeedka 2008 IT islamarkaana xadhiga laga jaray qaar badan oo kamid ah kuwa dhimana wakhti dhaw xdhiga laga jari doono.

Wuxuuna hadalkiisii kusoo gabagaeeyay in bulshada reer biki ay kabaxday baahidii ay uqabeen dhismaha dugsi sare islamarkaana sanadka cusub ee 2009 TI uu dugsigani waxbarashada sitoosa u bilaabi doono.

Isku soo wadaduuboo gudoomiyaha gobolka siti mudane cabdiwali maxamed faarax oo  kuwahelinay  xadhig ka jarka dugsigan sare ayaa isna dhankiisa aad u soo dhaweeyay islamarkaana tilmamay in horumaka dhanka waxbarashada deegaanka uu xawli sare ku socdo

Comments are closed