Puntland oo Xukuntay 43 ka mid ah Maxaabiistii Al-shabaab ee lagu Qabtay Dagaalladii Puntland

PUNTLANDGAROOWE (NN) 18/06/2016

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland, ayaa Dil ku xukuntay 43-ruux oo ka mid ah Dagaal-yahannadii Al-shabaab ee lagu soo Qabtay dagaalkii Puntland iyo Al-shabaab ku Dhexmarya Deegaannada Xeebaha ku yaalla 14-kii bishii Abriil ee sannadkan lagu jiro.

Xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Puntland C/llaahi Xirsi Cilmi oo – Cali Barre loo yaqaanno, ayaa sheegay in ragag la xukumay ay maxkamadda ka hor-qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayna kusoo duuleen Puntland.

Sidoo kale, Qareenada difaacaya Ragga la xukumay ayaa maxakamada ka dalbaday in la siiyo mudo bil ah, inkastoo Wararka ay Warbaahinta hlayso ay sheegayaan inay diideen qayb ka mid ah Raggii Xukunka lagu riday in racfaan lo qaado.

Puntland ayaa sheegtay in dagaalladii ay Al-shabaab Bishii Afaraad ee Sanadkan ay kula galeen Suuj, Garmaal iyo Garacad in ay ku Dileen 283 Dagaal-yahan, ayna ku qabteen maxaabiis gaaraysa 110-ruux.

Dhanka kale, Xoogagii Al-shabaab ayaa iyaguna ku dilay dagaalladaas 24-Askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland, Halka ay ku dhaawaceen ku dhawaad 80 Askari oo kale sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen madaxda ciidamada Puntland.

Ugu dambeyn, Xukunkaan ayaa kusoo beegmaysa XIli dhawaan Madaxweynaha Puntland uu sheegay inay layn-doonaan Al-shabaab-ka Maxabiista u ah Marka Al-shabaab ay hal qof ku dilaan Puntland.

Comments are closed