Taliska ciidanka Mareykanka ee ku sugan Afrika -AFRICOM- oo ka hadlay hawlgalkooda Somalia

MUQDISHO1MUQDISHO (NN) 18/06/2016

Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee Afrika ku Sugan ee AFRICOM, ayaa shaaciyay in bishii May ee Sannadkaan oo keliya ay ka furliyeen Gudaha Soomaaliya Afar weerar oo Cirka ah; kuwaasoo Qayb ka ah Hawl-gallada lagu beegsanayo Al-shabaab.

Weerarradan oo kii ugu horreeyay uu dhacay 13-kii bishii May, ayaa waxay Saraakiishaani sheegeen in lagu Beegsaday Xubno ka tisran Al-shabaab, laguna Dilay Saddex ka mid ahaa Sagaal xubnood oo bartilmaameedku ahaa.

Sidoo kale, Duqeymahan ayay xuseen Saraakiisha ciidamada Mareykanka ee loo yaqaanno AFRICOM, inay ka dhaceen deegaanno kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya. Kuwaasoo ay sheegeen inay sii socon doonaan inta laga burburinayo Al-shabaab oo ay ugu yeereen koox Argagaxiso ah.

Taliska Africom, ayaa intaa ku daray in isla 22-kii May 2016-ka ay weerar kale oo cirka ah ku dileen laba ka mid ah Taliyeyaasha Kooxda Al-shabaab, waxayna sheegeen in haddii ay weerarradu sidan kusii socdaan ay Al-shabaab xilli dhaw burburi doonto.

Dhanka kale, Weerarrada kale ee Mareykanku ka Geystay Soomaaliya Bishii hore, ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa mid lagu beegsaday Saraakiil iyo Xoogag Al-shabaab ka Tirsan, kuwaasoo tiro ka mid ah lagu dilay.

Mareykanka ayaa bishii Maarso ee Sanadkan 2016-ka wuxuu sheegay in duqeyn ay saldhig Al-shabaab ku lahayd Gobolka Hiiraan ka geysteen ay ku dileen 150 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, Inkastoo Al-shabaab ay sheegtay in Duqeyntu jirto, Balse Tirada la sheegay in lagu dilay ay tahay mid ka bad-badis ah.

Ugu dambeyntii, Hadalka taliska AFRICOM ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo weli ay Al-shabaab gacanta ku hayso deegaanno badan oo Soomaaliya ah, inkastoo laga sannadihii u dambeeyay laga saaray deegaanno ay awood badan ku lahayd.

 

Comments are closed