Ban-ki-Moon oo Booqday Giriigga; Ban oo Ku Dardaarmay in Qaxootiga Si Naxariis Leh Loo Qaabilo

ankimonGiriigga (NN) 19/06/2016

Xog-hayaha QM Ban-ki-Moon oo shalay galinkii dambe booqday jasiirada Lesbos ee dalka Giriigga ayaa sheegay in dhibaatada qaxootigu aysan weli dhammaan asagoo isla markaa ku baaqay in qaab baniaadminimo arinkaa loo wajaho qaarada Yurub oo dhan.

Lesbos ayaa ah mee1 ka mid ah meelaha qaxootigu kasoo galo Yurub.

Wuxuu Ban-ki-Moon kula dardaarmay dadyowga dalalka Yurub oo dhan inaysan xadadka ka xiran aysana adeegsan midab kala sooc iyo takoor ka dhan ah qaxootiga.

“Maanta, waxaan la kulmay qaxooti ka yimid caalamka meelaha ugu dhib badan. Waxay kusoo noolaayeen dhibaatooyin. Dhibkaasna weli ma uusan dhammaan,” Mr. Ban ayaa sidaa usheegay xubnaha hayado samafal oo aan dawli ahayn kuwaasoo usoo xoomay si ay madaxa QM hadalkiisa u dhageystaan gaar ahaan arinka kusaabsan xaalada adag ee halkaa ka jidha.

“Laakiin halkaan ah Lesbos, waxay heleen nafis kadib markii ay soo mareen colaad iyo gabbood fal,” intaa ayuu raaciyay.

Wuxuu kaloo xusay in dadka jasiiradleyda ah ee reer Lesbos ay dabadeed u fureen qaxootiga guryahooda, quluubtooda iyo boorsooyinkooda jeebka ee lacagta lagu rito si ay u taageeraan dadkaa baahan.

Mr. Ban ayaa sidoo kale sheegay in qaxootigu u sheegeen rajooyinkooda, iskoolo inay u doonayaan carruurtooda iyo inay doonayaan shaqooyin si qoysaskooda ay u korsadaan.

Booqashada Mr. Ban oo ah labo maalmood ayaa waxay timid wax yar un ka hor maalinta qaxootiga ee dunida oo ku beegan beritoole oo ah 20ka Juun

 

Comments are closed