Maxaabiis la isku dhaafsadey dalka Yemen

yemenYemen (NN) 19/06/2016

Xuuthiyiinta Yemen ayaa sii daayey oo xoriyadooda u soo celiyey 76 ka tirsan ciidamada taageera Dowladda taagta daran ee dalka Yemen, waxaana ay ku bedesheen 118 maxaabiis ah oo ciidamada taageersan Dowladdu ka qabteen Xuuthiyiinta.

Is-dhaafsiga maxaabiista ayaa ka dhacay magaalada Ticis, waxaana ka soo shaqeeyey odoyaasha qabaa’ilka Yemen.

Abdullatif al-Muradi oo ka mid ahaa odoyaasha qabaa’ilka madaxda u ah ayaa sheegay in magaalada ay hadda ka taliyaan taageerayaasha Dowladda ee Ticis ka dhacdey is dhaafsiga maxaabiista ee ugu badnaa.

Sidoo kale waxa is dhaafsiga maxaabista xaqiijiyey saraakiil u hadashey ciidanka taageersan Dowaldda.

Wada hadalka Maxaabiista la isku dhaafsadey ayaa ka soo bilowdey shirkii Kuweyd ay labada dhinac ku yeesheen.

Dalka Yemen ayeysan ka jirin Dowald dalka wada xukunta, kadib markii meesha laga saarey Cali Cabdalla Saalax, waxaana dalku u qaybsan yahay kooxo kala aragti duwan, waxaana talaabo Miletery ka qaadey isbahaysi uu hoggaaminaayo Sucuudigu.

Comments are closed