Warbixin: Australia kulankii Xubnihii Jaaliyadda DDSI Australia & Madaxweynha DDSI

13493226_1767110073566702_542133503_oAustralia (ESTV) 19/06/2016

Gudoomiyaha jaaliyadda DDSI Marwo Umalkheyr dalmar ayaa Warbaahinta DDSI u sheegay in Jaaliyadda Dawlad deegaanka somalida itoobiya ee Australia ay tahay Jaaliyad Qalbigooda iyo dhiigooda ku dheehan wadiniyad iyo in ay ilaaliyaan Sharafta iyo jiritaanka DDSI taaso Waxaa Marqaati u ah sida quruxda badan ay u soo dhaweeyeen Wafdigii madaxweynha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uu Hogaaminayay.

Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Ayaa Warbaahinta DDSI u sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay jaaliyadda DDSI Ee Australia sida sharafta leh ee ku dheehan wadaniyad-nimada ay u soo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa oo hawlo shaqo u soo gaadhay  Australia.

Wuxxu inta ku daray madaxweynha in Jaaliyadda Australia ay dhawaan ay soo gaadhsiisay Kunteenar buuxa oo deeq agab kala duwan ay ugu deeqeen dugsiga howga agoonta ee Magaalda Fiiq Jaaliyadda DDSI Australia ayaa u taagan sidii ay uga Qeybqadan lahaayeen dhanka nabad-galyada hormarka iyo Maamulka suuban iyo sidii dul-duleeda dhanka hormarka ay u buuxin lahaayeen.

13487518_1767108216900221_1831095255_nAustralia ayaa waxaa ka dhisan Ururka DYES ururka dhalinyarada oo dadaal dheeri ah oo ku aadan dhanka hormarka iyo maamulka suuban Jaaliyadda DDSi ee Australia ayaa ku leh magaalooyinka waaweyn Xafiisyo iyo wakiilo ka howl-gala Magaalooyin kaasi oo kamid ah Xarunta ugu Weyn ee Jaaliyadda DDSI ee Australia oo ah Magalada Melbourne iyo  Sydney iyo Perth iyo Galbeedka Australia iyo Newzealand.

Madaxweynaha DDSI ayaa kula dardaarmay in dhamaan Wakiilda Magaalooyin kaasi ka howl-gala ee jaaliyadda ay muujiyaan wada jir cadowga dawlada deegaanka somalida itoobiya ee xambaarsan fikirka xun xun ee Aamin san in ay jaaliyadda ka soo horjeesto dhamaan jaaliyadda DDSI ayaa aad ugu farax saneyd booqashada Madaxweynaha DDSi uu ku soo gaadhay Australia.

Ugu dambeuntii. jaaliyadda ayaa gacmaha is wada qabsaday waxeyna ballan qaadeen habeyn iyo maalin in ay garab taagan yihiin Xukuumadda DDSI.

Comments are closed