Bahrain oo Aqoonsigii Dhalashada ka xayuubisay Wadaad Shiico ah iyo IRAN oo digniin soo saartay

soogBahrain (NN) 21/06/2016

Boqortooyada Baxreyn ayaa sheegtay in Aqoonsigii Dhalshada ay kala noqotay wadaadka shiicada ee ugu caansan dalkaasi oo lagu magacaabo Shiikh Ciisa Qaasim, hogaamiyahan Shiicada ayey dowlada ku eedaysay inuu ka danbeeyey mudaharaadyada looga soo horjeedo dowlada.

Xukuumada Baxreyn ayaa in mudo ah baaritaan ku waday Wadaadkan oo horey usoo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalkaasi sanadkii 70aadkii. Go’aanka kasoo baxay dowlada Isniintii shalay ayaa waxaa si weyn uga horyimid dadka shiicada ah ee dalkaasi oo banaanbaxyo lagu taageerayo wadaadka ku qabtay banaanka hore ee guriga wadaadkan oo ku yaal galbeedka caasimada Manama.

Maaha markii ugu horeysay oo ay Boqortooyada Baxreyn dhalashada ka xayuubiso qaar kamid ah mucaaridka dalkaasi, waxaana la sheegaa inay hada gaarayaa 250 tirada dadka laga qaaday dhalashada oo hada aan heysan wax baasaboor ah. Sidoo kale dadkan ayaan xaquuq ulahayn inay helaan daryeel caafimaad oo lacag la’aan ah iyo waliba lacagaha dowlada siiso dadkii horey u shaqeeyey.

Dhinaca kale dowlada IRAN ayaa ku tilmaamtay go’aankan mid khatar ku ah amniga gobalka. Taliyaha Sare ee ciidamada Iran Jeneral Qassem Suleimani ayaa sheegay in falkan uu keeni karo dab horleh oo ka kaca gudaha wadankaasi Baxreyn, waa siduu hadalka u dhigayee.

Comments are closed