Doorashada USA: Wiil 19 sano jir ah oo doonayey inuu dilo Murashax Donald Trump – VIDEO

uka Mareykanka (NN) 21/06/2016

Waxaa maxkamad lagu soo taagay wadankaasi Maraykanka wiil 19 sano jir ah oo Sabtidii lasoo dhaafay la qabtay kadib markii isku dayey inuu dilo Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka Donald Trump.

trump-assassin-2

Wiilkan oo lagu magacaabo Michael Sandford ayaa heysata dhalashada UK ayaa isku dayey inuu bistoolada ka faro-maroojiyo mid kamid ah askartii booliiska ee illaalinayey goob ay ka dhaceysay xaflad lagu soo dhaweenayey murashaxa Trump oo sabtidii ka dhacday magaalada Las Vegas.

trump-assassin-3

Michael Sandford ayaa qiray inuu doonayey inuu dilo Murashax Trump isla markaana marar badan isku dayey inuu fuliyo balse u suurto geliweyday. Wiilkan ayey booliiska qabteen intuusan gacanta ku dhigin bistoolada uu doonayey inuu ka qaado askari goobta ku sugnaa.

Waa qofkii labaad oo todobaadkan la qabanayo iyagoo isku dayaya inay hub la galaan goob uu ku sugnaa Donald Trump. Ciidamada gobalka Taxes ayaa maalmo kahor qabtay nin madow ahaa oo doonayey inuu hub la galo xarun ay ka dhaceysay xaflad uu khudbad ka jeedin lahaa Trump.

Comments are closed