Faah-faahin: Ciidamada Cabdisamad Galan la soo galay meelo ku dhaw Bosaso

galgalaBoosaaso (NN) 21/06/2016

Guddoomiyihii hore ee gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan ayaa muddooyinkii danbe ciidamo ku urursanaayey dhulka bariga ah ee fog, waxaana uu wacad ku marey in uu xukunka ka tuurayo Madaxweynaha Puntland oo uu dhisaayo Puntland cadaalad ku dhisan sida uu isagu yiri, maalintii Axada ayuu gaarey degmada Belidhidin ee gobolka Bari, Subaxnimadii hore ee maanta ayuu ku yimid waddada Kobdhexaad, waxaana uu laamiga ka qabsadey Kalabayr, kadibna waxauu tegey Degmada Carmo.

Ciidanka uu wato Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari ayaa lagu qiyaasayaa in ay ku dhaw yihiin 200 oo nin, waxaana ay wataan gawaarida tiknikada ah, kuwa ciidanka daabula, kuwa gar-gaarka deg-dega ah iyo Wiish.

Galan ayaa sidaan o kale horey u yimid Carmo isaga oo wata xoogaa ciidan ah, waxaana tani uga bedalan tahay tii hore, ciidanka oo ka badan iyo isaga oo sheegay in uu Puntland ka xoreynayo Cabdiweli Gaas.

Wararku waxay shegayaan in maalmihi u danbeeyey uu socdey waan-waan lagu xalinayo khilaafka uu la gadoodey Cabdisamad Galan, taas oo ay wadeen odoy dhaqameedyo iyo siyaasiyiin, waxaana wararku sheegayaan in odoyaasha dhaqanka iyo Puntland ay ku heshiyeen in Cabdisamad Bosaso dib ugu so noqdo isaga oo wata ilaaladiisa keliya.

Waraysi uu maanta bixiyey Cabdisamad Galan ayaa muujinaya in Cabdisamad aanu ku imaan wax wada hadal ah, wuxuu ku sheegay in uu ku sugan yahay, meel u dhexeysa Bosaso iyo Garoowe, si dhab ah uma sheegin halka uu joogo, wuxuu sheegay in Ciidanka Puntlandta dhabta ah ee uu hoggaamiyo ay fariisimo cusub ka samaysteen waddada laamiga ah, waxa ay u yimaadeena ay tahay in ay dadka ka hor wareejiyaan Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Gaas oo uu ugu yeeray keligii taliye.

Gallan ayaa waraysigiisa ku sheegay in ujeedka u weyn ee ciidankiisu yahay in Puntland laga qabto gacanta madaxweyne Gaas, kadib shir la isugu yimaado, beelihii wada dhistey ama ay wax sii wadaagaan ama cid walba sida ay jeceshahay ay yelaan.

Maamulka Puntland ayaan ilaa iminka ka hadlin ciidamada Gallan wato ee Carmo ku sugan mar kale.

Comments are closed