DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha DDSI oo dib ugu soo Laabtay Magaalada Jigjiga

Madaxweynaha DDSI oo dib ugu soo Laabtay Magaalada Jigjiga Jigjiga  (ESTV) 20/06/2016

Madaxweynaha Dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa Dib ugu soo laabtay Xarunta Maamulka DDSI Ee Magaalada Jigjiga, kaddib markii uu booqasho Shaqo ku gaadhay dalka Australia halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay Mas’uuliinta ugu Sareysa dalka Australia Sida Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wasiiro kale halkaasi oo ku dhax maray Aqoon iswaydaarsi.

20160622_113239Madaxweynaha DDSI ayaa Waxaa Airport ka ku soo dhaweeyay Masuuliyiin ay kamid yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Ahna Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Maxamed Rashiid Isaaqiyo Madaxa Xarunta Dhexe Xisbiga Mudane C/casiis Maxamed Cabdi, iyo Madaxweyne Kuxigeenka DDSI Marwo Sucaad Axmed Faarax iyo mas’uuliin kale.

20160622_113214Madaxweynaha ayaa intii uu Joogay Australia ayaa kulamo Taariikhi Ah la qaaday Xubnaha Taageerayaasha Xisbiga XDHSI iyo Xubnaha Jaaliyadda DDSI iyo Ganacsato kala duwan oo u dhashay Deegaanka sifa ay Maal-gashi xoogan ay uga Sameystaan Dalkooda.

20160622_113541Waxaa kaloo uu madaxweynaha intii uu joogay Magaalada Melbourne oo shirweyne Taariikhi Ah kula Qaatay Jaaliyadda DDSI ee Magaalada Melbourne oo ku dhaqan Qurbajoogta dawlada deegaanka Somalida itoobiya oo Siweyn oo Xamaasid ku jirta ugu Soo dhaweeyeen Madaxweynaha iyo Wafdigiisa.

20160622_124936Sidoo Magaalada Sydney ayaa Halkaasi Jaaliyadda DDSI Wacdaro ka dhigay Halkaasi oo Sidookale Shirweyn lagu qabtay Taasoo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar uga Mahad Celiyay dhamaan Masuuliyiinta Jaaliyadda DDSI sida Sharafta leh ay u soo dhaweeyeen.

Madaxweynaha & wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga si Maqaam Sare loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shir jaraa’id qaban doona oo kaga warbixin doona Safarkii taariikhiga ahaa uu ku tagay Dalka Australia

Comments are closed