Kulan lagu gudoonsiinayay shaqaalaha xafiiska maxakamada guud boondhiga abay.

caliJigjiga (NN) 22/06/2016

kulanka oo ka dhacay hoolka shirarka ee xarunta tababarada haayadaha cadaalada ayaa waxaa kasoo qayb galay gudoomiyaha maxkamada guud ee DDSI mudane Cabdulaahi Ugaas Maxamuud ,gudoomiye kuxgeenka maxkamada guud mudane Axmed Maxamed Shugri  iyo dhamaan shaqaalaha maxkamada guud ee DDSI.

shukriHadaba kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii shaqaalaha loo gudoonsiin lahaa shahaadada ka qayb qaadashada biya xidheenka wabiga abay ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha maxkamada guud mudane cabdulaahi ugaas maxamuud oo sheegay ahmiyada uu lee yahay biya xdheenka wabiga abay  isagoo intaa ku daray in ay fa iidada boondhiga heli doonaan cadayna utahay wadaniyadiina.

Ugu danbayna waxaa shahaadooyinka la gudoonsiiyay qaar ka mid ah shaqaalaha iyagoo sheegay dareenkooda far xadeed iyagoo xusay inay aad oogu faraxsanyihiin ka qayb qaadashada biyaxidheenka wabiga abay.

Comments are closed