Tababar Loo Qabtay Ururada Federation ka Iyo League ga

iski1Jigjiga (ESTV) 22/06/2016

Tababar ujeedadiisu tahay awood siinta dhalinyarada ee dhanka shaqo abuurka iyo horumarinta islamarkaana ay kasoo qaybgaleen ururada federation ka iyo ururada league ga oo tiradoodu dhantahay 107 xubnood kana kala yimid dhamaan gobolada iyo maamul magaalooyinka deegaanka ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee xafiiska arrimaha haweenka iyo Caruurta DDSI.

miski2Hadaba Gadh-wadeenka G/S Awood-siinta iyo kaqaybgalka dhalinyarada ee xafiiska ciyaaraha iyo dhalinyarada DDSI  marwo Miski Saalax Aadan oo kawarbixisay tababarkan ayaa sheegtay in tababarkani yahay mid isku dhaf ah oo ah koruqaadida iyo horumarinta ururada federationka iyo urarada leaga ee kadhisan gobolada iyo Maamul magaalooyinka islamarkaana lasiinayo casharo muhiim u ah kora uqaadaya dhanka awoodooda aqoomeed.

ski3Waxayna intaa kudaratay agaasinku in ka xafiis ahaan ay urarada kala qaateen qorshayaal loogu talagalay in lafuliyo sadexda bilood ee karamtiga, iyadoo kula dardaarantay kaqaygalayaasha in ay sifiican  uga soobaxaan fulinta qorshayaashaas.

ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay kasooqaybgalayaashii oo sheegay in ay barteen casharo muhiim ah islamarkaana ay kamidho dhalinayaan, waxayna balan qaadeen inay kasoo baxayaan qorshayaasha ay kala qaateen xafiiska.

Comments are closed