13 qof oo ku geeriyoodey dagaal beeleed ka dhacay Koonfurta Mudug

mudugMudug (NN) 23/06/2016

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geeriyootey dagaal beleed ka dhacay Koonfurta gobolka Mudug maalintii shalay. Dhaawaca malayshiyaadka dagaalamay ayaa gaaraya 40 kuwaas oo la kala geeyey magaalooyinka Cadaado iyo koonfurta Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Daarka Warsame Cabdi oo u dhexaysa Baxdo iyo Qeydaro oo labada malayshiyo beleed ay ka soo kala jeedaan.

Labada Malayshiyo beeleed ee ka so kala jeeda Cadaado iyo Koonfurta Gaalkacyo ayaa isku haysta Biyo iyo daaqsin.

Waa dagaaladii ugu xumaa ee halkaas ka dhaca muddooyinka oo ay ku nafwaayaan dad badan qaar badana ku dhaawacmaan.

Ma jirto cid ilaa hadda kala dhexgashey oo ka socota mamaulka Galmudug ama waxgarad kale.

Comments are closed