Boobka oo Lagu Sii Badiyay Hantida Soomaalida ee Koofur Afrika; Dhowr Soomaali ah Ayaa Dhaawac Ah

nfur afrikaKoonfu-Afrika (NN) 23/06/2016

Tan iyo darraad waxaa socday boob lagu hayo hantida ajaaniibta ayna u dheer tahay in naftooda dadkaa loo weeraraayo dalka Koofur Afrika.

Soomaali ayaa qeyb ka ah dadka la dhacaayo oo weeraraduna ay kusocdaan.

Arintaa ayaa kasoo cusboonaatay Pretoria oo ah magaalo madaxda dalkaasi Koofur Afrika gaar ahaan markii darfo kawada tirsan xisbul xaakimka Koofur Afrika ee ANC ay isku mari waayeen qofka duqa magaalada Pretoria ka noqonaaya.

Dukaamo ku dhow 100 ayaa ilaa haatan oo warbixintaan aan qoreyno la boobay.

Ilaa 5 qof oo Soomaali ah ayaa dhawaacan mid ka mid ahna uu aad u il daran yahay isla markaana miyir daboolmay.

Soomaalida oo qaxooti ku ah dalka Koofur Afrika ayaa in badan dalkaa dil, dhaawac iyo dhac loo geysanaayay sanado badan ayadoo in badan ay naftoodii kuwayeen kuwo badana ay ku ceyrtoobeen raadad xunxuna dhibaatooyinkaa ay ku reebeen.

 

Comments are closed