INDIA: 79 qof oo ay biriq ku dishay deegaano kala duwan

biiIndia (NN) 23/06/2016

Dad gaaraya 79 qof ayaa tan iyo isniintii lasoo dhaafay ku dhintay biriq/danab gobalo kala duwan oo ka tirsan dalka India.

Wadanka India ayaa waxaa todobaadkan ka da’ay roobab dabeylo iyo biriq wata, kuwaasi oo la sheegay inay khasaarihii ugu badnaa ay ka geysteen gobalka Bihar oo ay dad gaaraya 53 qof u dhinteen biriq ku dhacday.

Sidoo kale gobalada Jharkhand iyo Madhya Pradesh ayey ku dhinteen in ka badan 20 qof kadib markii ay haleeshay biriq iyagoo banaanka ka shaqeenaya.

Dalalka India iyo Bangaladhesh ayaa noqoday wadamada caalamka ugu horeeya dhanka tirada dadka ay ku dhacdo biriqda, dalka India oo kaliya ayey sanad walba biriqda ku dishaa in ka badan 2 kun oo qof.

Comments are closed