Jigjiga (ESTV) 23/06/2016
Waftigan oo si heer sare ah maalintii shalay loogu soo dhaweeyay xarunta deegaanka islamarkaana kayimid dawlada federalka ah iyagoo soo maray dawlad deegaanada qaar iyo waliba wadamo kale sida Australia ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu ahaa inay khibrad kaqaataan nidaamka federalismka ee ay JDFI kudhisan tahay oo runtii ah nidaam iyaga kucusub oo hada uun ay ugu horayso.
Hadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayn soo dhaweeyay heerarka kaladuwan ee mas’uuliyiinta kasocotay dawlada federalka ah ee soomaaliya. Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu soo dhaweeyay aqoon korodhsiga iyo khibrad iswaydaarsiga labada wadan ee itoobiya iyo soomaaliya. Wuxuuna si kooban usoo dhigay nidaamka federalismka ah ee dimoqraadiga kudhisan dalka itoobiya isagoo xusay in nidaamka federalka ahi uu yahay kan itoobiya usahlay xawliga koboca dhaqaalaha iyo isbadalka laxaadka leh.
Comments are closed