Madaxweyne Cabdi oo Kulan-laqaatay Wafti Kasocota Dawlada Federalka Soomaaliya

13524106_1769178466693196_119649044_oJigjiga (ESTV) 23/06/2016

Hogaaminta sare ee xukuumada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka hoolka shirarka kooban kulan laqaatay wafti kasocotay dawlada federaalka soomaaliya iyo xubno dawlad goboleedyada ah oo uu hogaaminayay xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha iyo federalka dawlada soomaaliya Dr. Yaxye Cali Ibraahin.

13524106_1769178466693196_119649044_oWaftigan oo si heer sare ah maalintii shalay loogu soo dhaweeyay xarunta deegaanka islamarkaana kayimid dawlada federalka ah iyagoo soo maray dawlad deegaanada qaar iyo waliba wadamo kale sida Australia ayaa sheegay in ujeedada socdaalkoodu ahaa inay khibrad kaqaataan nidaamka federalismka ee ay JDFI kudhisan tahay oo runtii ah nidaam iyaga kucusub oo hada uun ay ugu horayso.

hiiHadaba, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ugu horayn soo dhaweeyay heerarka kaladuwan ee mas’uuliyiinta kasocotay dawlada federalka ah ee soomaaliya. Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu soo dhaweeyay aqoon korodhsiga iyo khibrad iswaydaarsiga labada wadan ee itoobiya iyo soomaaliya. Wuxuuna si kooban usoo dhigay nidaamka federalismka ah ee dimoqraadiga kudhisan dalka itoobiya isagoo xusay in nidaamka federalka ahi uu yahay kan itoobiya usahlay xawliga koboca dhaqaalaha iyo isbadalka laxaadka leh.

Dhanka kalana, xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha iyo federalka dawlada soomaaliya Dr. Yaxye Cali Ibraahin ayaa madaxwaynaha iyo golihiisaba uga mahadceliyay sida sharafta leh ee loo soo dhaweeyay, qaabilaada aqoon korodhsiga uu madaxwaynuhu ufidiyay iyo sharaxaad kooban uu kasiiyay nidaamka federalismka dalka iyo faaiidadiisa. Wuxuuna aad u amaanay heerarka kaladuwan ee hay’adaha dawliga ah iyo kuwa aan ahayn labadaba. Kadibna, xoghayaha ayaa faahfaahiyey meelaha ay aqoon korodhsiga uga baahan yihiin isagoo guud ahaan xusay nidaamka federalismka ah gaar ahaana qaabdhismeedka  dawlada dhexe, dawlad deegaanada, awoodaha ay wadaagaan, kuwa gaarka u kala ah, nidaamka maaliyadeed iyo ka dakhli dhalin, iyo waliba nidaamka qorshaynta.

Ugudanbayna, waxaa labilaabay aqoon korodhsigii oo si kooban loo soo dhigay iyadoo falanqayn dheer kadib lasiiyay waftiga documentyadii kaladuwanaa  ee ay ubaahnaayeen.

Iskusoo wadaduuboo, waftiga ayaa kamarakacay xaqiiqada horumarka kahanaqaaday deegaanka. Waxayna sheegeen inay aqoon iyo cilmi dheer oo ay ubaahnaayeen ay kafaaiideen kulankan.

Comments are closed