Allaah Unaxaristo Guddomiyaha Jaaliyadda DDSI goboka California oo Ku geeriyooday San-Diego

tacsiSan-Diego (ESTV) 24/06/2016

Tacsi Tiiraanyo Leh. Inaalilaahi Wa Inaa Ileeyhi Raajicuun. Gudoomiyihii Jaaliyada Somalida Ethiopia Ee gobalka California oo ku geeriyooday magaalada San Diego

California, jimce, 24 June 2016, Jaaliyada DDSI ee ee Gobalka california oo Tacsi tiiraanyo leh udiraysa Qaraabadii iyo qoyskii uu kageeriyoode Engineer Cabdullaahi Ibraahim Caydiid (Bucul) 

Annagoo ku hadlayna magaca guddida Ururuka Soomaalida Itoobiya ee gobolka Kaaliforniya (Ethiopian Somali Community of California) iyo dhamaan jaaliyadda Soomaalida ka soo jeeda DDSI ee deggan magaalada San Diego iyo nawaaxigeeda ee goboka Kaaliforniya waxaannu halkan tacsi uuga soo gudbinaynaa dhamaan caruurtii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacabka Soomaaliyeed ee DDSI uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee guddoomiyihii ururuka jaaliyadda Engineer Cabdullaahi Ibraahim Caydiid (Bucul) Arbacadii oo bishu ahayd June 22, 2016 ku geeriyooday magaaladda San Diego ee gobolka Kaalifoorniya.

Marxuumka waxaa shalay oo Arbaca ahayd lagu aasay magaalada San Diego.  Aaskaasi oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa ka soo qayb galay qusuliyadda Itoobiya ee magaalada Los Angles ee gobolka Kaalifoorniya, qoomiyadaha kalagaddisan ee Itoobiya, iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee daggan magaalada San Diego iyo nawaaxigeeda.  Waxaannu leenahay ilaahay marxuumka naxariistiisii Janno ha siiyo innagana Samir iyo iimaan ha inaga siiyo.  Aamiin.

Ethiopian Somali Community of California

Comments are closed