DAAWO: Astaamaha Calanka Somalia oo lagu shidayo Buundada 35W Bridge ee Minneapolis

minnesotaMinnesota (NN) 24/06/2016 

Guddoomiyaha Degmada 6-aad ee Magaalada Minneapolis – Gobolka Minnesota Cabdi Warsame ayaa meel-mariyay qaraar lagu xusayo maalinta ay Soomaaliya Xornimada Qaadatay ee 01-da Luuliyo. Waxaana Qaraarkaan si aqlabiyad ah u Meel-mariyay Golaha Deeegaanka MNPL, iyadoo goluhu u aqoonsadeen 01-da Luuliyo maalinta Somaalida Maraykanka. 

Qaraarkaan, ayaa sidoo kale faraya Shaqaalaha magaalada iyo kuwa gobolka in buundada 35W Bridge lagu shido Astaamaha Calanka Somalia ee Buluuga iyo Caddaanka isugu jira Habeenka 01-da Luuliyo ay soo galayso.

Sidoo kale, Cabdi Warsame oo la hadlayay guddiga xilli Qaraarkaasi uu hor-yaalay Golaha Deegaanka ayaa sharaxay ahmiyada ay 01-da Luuliyo sida gaarka ah ugu leedahay Soomaalida, wuxuuna hadalka ku yiri. “Waa maalin ku weyn Ummaddeyda, Waa maalin Midnimo, Waa maalin mudan in loo dabaal-dago.”

Golaha deegaanka Minneapolis ayaa Qaraarka gudoonsiiyay Ururka KA-JOOG oo ah urur dhallinyaro Soomaaliyeed oo abaabula munaasabada Dabaal-degga Maalinta Xorriyadda iyo Midowga Ummadda Soomaaliyeed ee 01-da Luuliyo.

Maxamed Faarax oo ah Guddoomiyaha Ururka KA-JOOOG, ayaa u mahad-naqay Cabdi Warsame iyo Xubnaha kale ee Golaha Deegaanka, kuna Casuumay in ay Dhamaantood ka soo Qayb-galaan Dabaal-dagga Xuska 01-da Luulyo oo la Qabanayo 09-ka July ee Sannadkaan.

Ugu dambeyn, Waa markii ugu Horreysay oo Astaamaha CALANKA Soomaaliya lagu Shido Buundo Mareykanka ku taalla, iyadoo tani ay guul weyn u tahay Soomaalida ku nool Waddamada Mareykanka oo dhan.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2016/Jun/wararka_maanta24-96521.htm#sthash.pP4tsvIH.dpuf

Comments are closed