Gudoomiyha Gobolka Erer Mudane Axmed Xaaji iyo Kumishineerka Gobalka Kornel Dakhare oo kormeer shaqo ku gaadheen buundada geeldhoox oo dhismo ku socota Taasoo Masuuliyiintan ugu kuur galayaan sida ay shaqada u socoto sifa ay u Xaqiijiyaan howlaha Shaqo ee Buundada Geeldoox oo Mara Wabiga Shabeelle kana tirsan Degmada Cayuun ee gobalka Nogob.
Buundada Geeldoox ayaa ka mid ah Buundooyinka laf dahabar ka u ah Mashraaciyada waaweyn ee Xukuumdda DDSI ay ka fulin waxey ahmiyad weyn u leedahay isku socodka labada Gobol ee Erar iyo Gobolka Nogob taasoo ay isku Xidheyso ganacsiga labada Gobol Masuuliyiinta ayaa warbaahinta DDSI u sheegay in Mudada loogu talagalay Buundada lagu soo gabagabeyn doono.
Ugu dambeyntii. Bulshada gobolka ayaa aad u soo dhaweeyay dhismaha buundada Geeldoox taasoo aad ay ugu faraxsan yihiin howlaha Mashaarcyada Xukuumada ay ka fulin Gobolka.
Comments are closed