Tababar ay soo Agaasimeen Golaha Federeshinka heer Federal ayaa loo qabtay Masuuliyiin Heer Deegaan

13509691_1769571673320542_755210958_oJigjiga (ESTV) 24/06/2016

Tababar ku saabsan shuruucda dalka JDFI islamarkaana uu soo agaasimay Golaha Federationka JDFI ayaa loo qabtay qaar kamid ah agaasinada heer deegaan, qaarkamaida xubnaha ururada federationka, ururada haweenka iyo ururada league ga ee 9ka gobol kaasoo ka bilowday xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

13499699_1769571649987211_1480213525_oTababarkan ayaa waxaa ugu horayn furitaankisii ka hadlay Afhayeenka Golaha Baarlamaanka DDSI ahna Gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay furitaanka tababarkan. Wuxuuna xusay afhayeenku in tababarkani yahay mid aad muhiim u ah islamarkaana lagu baranayo shuruucda dalka ee uu ugu horeeyo dastuurka dalka JDFI. Wuxuuna kula dardaarmay kaqaybgalayaasha in sifiican looga faa iidaysto casharada lagu baranayo tababarka islamarkaana ay sii gaadhsiiyaan goobihii ay ka kalayimaadeen.

Sidookale waxaa iyadna dhankeeda hadalo muhiim ah kasoojeediyay furitaankii tababarkaAfhayeen kuxigeenka Golaha Baarlamaanka DDSI marwo Fardawsa Maxamed oo sheegtay in tababarkan ay ka soo qaybgaleen qaar kamid ah agaasinada heer-deegaan, ururada federationka, iyo ururada league ga  ee 9ka gobol. Waxayna xustay afhayeen kuxigeenku in tababarkan ay fulinayaan masuuliyiin kasocota golaha federationka JDFI.

jigjiga12Sikastaba ha ahaatee tababarkan oo ah tababar lagu baranayo shuruucda kaladuwan ee dalka ee u ugu horeeyo dastuurka dlka JDFI ayaa socon doona mudo 3 cisho ah.

Comments are closed