Warbixin UK oo u codeysay inay ka baxdo EU

Natiijooyin cod bixinta ukLondon (NN) 24/06/2016

Natiijooyinka hordhaca ah ee aftidii Britain loo qaaday inay kamid ahaato Midowga Yurub ama ay ka baxdo ayaa waxay muujinaysaa kala qaybsanaan xooggan.

Labada dhinac aad ayay isaga ag dhaw yihiin, balse kooxda u ololaynaysay in Britain ay ka baxdo Midowga Yurub ay si aan la filayn taageero ballaran uga heshay waqooyi beri England iyo Wales.

Kooxda doonaysa ka sii mid ahaanshaha Britain ayaa iydana codad badan ka heshay London, Scotland iyo Waqooyiga Ireland.

Tirinta codadka wali way socotaa.

Comments are closed