Isra´iil: Haweenay reer Falastiin ah oo gaari ku dhufatay Yuhuud oo la toogtay

israilIsra’iil (NN) 25/06/2016 

Ciidamada Isra’iil ayaa Jimcihii shalay toogasho ku dilay gabar reer Falastiin ah oo gaarigii ay wadatay ku dhufatay gaari ay saarnaayeen dad Yuhuud ah.

Marxuumada oo lagu magacaabo Majd al-Khudur ayaa la sheegay inay si ulla kac ah gaariga ugu dhufatay gaari ay saarnayeen labo qof oo Yuhuud ah oo taagnaa irida laga galo Xaafad ay degen yihiin Yuhuuda xooga ku heysta qeybo kamid ah dhulka reer Falastiin ee magaalada Hebron.

Askarta Isra’iil ayaa sheegay inay haweenaydan toogteen, isla markaana labadii qof ee Yuhuuda ahaa uu dhaawac kasoo gaaray shilkan, kuwaasi isbitaalka la dhigay.

Dhacdadan ayaa ah tii ugu danbeysay weerarada ay shacabka Falastiin la beegsanayaan dadka yuhuuda ah ee xooga ku degen dhulka Falastiin, arrintan oo sare usii kacday bilihii lasoo dhaafay ayaa sidoo kale keentay dhimashada in ka badan 200 oo reer Falastiin ah oo ay askarta Isra’iil dileen iyagoo ku eedeeyey inay doonayeen inay dilaan dad yuhuud ah.

 

Comments are closed