Melbourne (ESTV) 25/06/2016
Gudoomiyha ayaa waxey uga mahad celisay dhamaan gudiga jaaliyadda DDSI ee Australia iyo Xubnaha iyo Taageerayaasha Jaaliyadda DDSI Sida sharafta leh wafdigii Madaxweynaha DDSI uu hogaaminayay sida qiimaha leh ay u soo dhaweeyeen dhamaan Xubnaha ka Qeybqaatay Soo dhaweyntii oo halkaasi Abaalmarin lagu gudoonsiyay.
Gudoomiyaha Ayaa waxey kula dardaarantay dhamaan xubanaha Jaaliyadda DDSI ee Australia sidii loo Xoojin lahaa howlaha Hormarka iyo nabadgalyada iyo Maamulka suuban sidii habeyn iyo maalin ay jaaliyada ay u taageeri laheyd Xukuumadda Dawlad deegaanka somalida itoobiy.
Xaflada Afur Sharafeedka loo sameeyay Dhamaan Xubnaha Jaaliyadda DDSI ayaa Aad ugu farax sanaa in Maanta ay isku yimaadaan Afur sharafeedka loo sameeyay dhamaan waxey halkaasi ku soo bandhigeen taageerada weyn ay u hayaan Xukumaada dawlad deegaanka somalida.
Comments are closed