Jigjiga (ESTV) 25/06/2016
Madaxwayne kuxigeenka jaamacada qaybta culuumta ahna kusimaha madaxwaynaha jaamacada mudane Siciid Maxamed oo kahadlay furitaankii munaasabada ayaa sheegay in tirada ardayda kaqalinjabisay jaamacada tan iyo mudadii la aas aasay 2001TI ilaa iyo 2008TI ay kor udhaafayso 10kun oo heerarka culuumta kaladuwan bartay iyadoo qalinjabiyeyaasha maanta ay dhan yihiin 1,820 arday oo 82 kamid ahi ay yihiin Master islamarkaana 18 kamid ah ay xarunta jaamacadu kuleedahay magaalada Godey waxbarashadoodii kusoo qaateen. Wuxuuna uhambalyeeyay dhamaan ardaydii qalinjabinaysay iyo waliba waalidiintii kusoo dadaaalay. Kadibna wuxuu madasha kusoo dhaweeyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.
Hadaba madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiyaha boordhiga maamula jaamacada mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay munaasabada ayaa uhambalyeeyay dhamaan qalinjabiyeyaasha isagoo umahadcelyay waalidiintii kusoo tabcay. Wuxuuna gaar ahaan xusay shaqaalaha dawlada ee iyagoo shaqaynaya hadana fursadan qaaliga ah kafaaiidaystay. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay in dhakhaatiirta qalinjabisay loo baahan yahay maadaama oo lafurayo hospitalka wayn ee Meles referral memorial hospital.
Kadibna waxaa lagudo-galay qaybihii kale ee munaasabada iyadoo ardaydii kaalmaha hore kagalay waxbarashada abaal marin lagudoonsiiyay. Kaalmihii suugaanta iyo uhambalyaynta ardayda iyo waalidiintuna halkaa kasii socotay.
Comments are closed