Madaxweyne Cabdi oo Kaqaybgalay Wareegii 8, aad Ee Munaasabada Qalinjabinta Jaamacada Jigjiga

13524083_1770017413275968_1995323884_oJigjiga (ESTV) 25/06/2016

Madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiyaha boordhiga maamula jaamacada jigjiga mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka kaqaybgalay munaasabada wareegii 8, aad ee qalinjabinta jaamacada jigjiga oo ay kaqalinjabinayeen in kabadan 1,820 arday oo isugu jira 635 dhadig ah iyo 1,185 lab ah oo dhamaysatay shahaadada heerka degreega 1, aad iyo waliba Masterka mudo 3 sano ah.

abdi1Madaxwayne kuxigeenka jaamacada qaybta culuumta ahna kusimaha madaxwaynaha jaamacada mudane Siciid Maxamed oo kahadlay furitaankii munaasabada ayaa sheegay in tirada ardayda kaqalinjabisay jaamacada tan iyo mudadii la aas aasay 2001TI ilaa iyo 2008TI ay kor udhaafayso 10kun oo heerarka culuumta kaladuwan bartay iyadoo qalinjabiyeyaasha maanta ay dhan yihiin 1,820 arday oo 82 kamid ahi ay yihiin Master  islamarkaana 18 kamid ah ay xarunta jaamacadu kuleedahay magaalada Godey waxbarashadoodii kusoo qaateen.  Wuxuuna uhambalyeeyay dhamaan ardaydii qalinjabinaysay iyo waliba waalidiintii kusoo dadaaalay. Kadibna wuxuu madasha kusoo dhaweeyay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

bdi4Hadaba madaxwaynaha DDSI ahna gudoomiyaha boordhiga maamula jaamacada mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo kahadlay munaasabada ayaa uhambalyeeyay dhamaan qalinjabiyeyaasha isagoo umahadcelyay waalidiintii kusoo tabcay. Wuxuuna gaar ahaan xusay shaqaalaha dawlada ee iyagoo shaqaynaya hadana fursadan qaaliga ah kafaaiidaystay. Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay in dhakhaatiirta qalinjabisay loo baahan yahay maadaama oo lafurayo hospitalka wayn ee Meles referral memorial hospital.

cabdi2Kadibna waxaa lagudo-galay qaybihii kale ee munaasabada iyadoo ardaydii kaalmaha hore kagalay waxbarashada abaal marin lagudoonsiiyay. Kaalmihii suugaanta iyo uhambalyaynta ardayda iyo waalidiintuna halkaa kasii socotay.

Ugudanbayna, ardaydii qalinjabinaysay oo dareenkooda cabiray ayaa sheegay inay aad iyo aad u farax san yihiin maadaama oo ay gaadheen natiijadii ay kusoo dadaalayeen mudo sanado ah.

Comments are closed