Daawo Burci Maxamed Xamsa Wasiiru Dowlaaha Deegaanka oo ku geeriyoodey weerarkii Hotel Naasa-hablood- VIDEO

burciMuqdisho (NN) 26/06/2016

Iyada oo habeenkii xalay uu soo baxay war sheegaya in Burci Maxamed Xamsa uu ku geeriyoodey weerarki Hotel Naasa Hablood 1 laakiin aan maydkiisa la helin ayaa lagu guuleystey subaxnimada Axadda in la helo Meydkiisa.

Burci Xamsa ayaa ahaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka, sidoo kale waxa uu ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Bay’adda ee Xafiiska raysalwasaaraha Soomaaliya, waxaana meydkiisa laga heley derbi ku soo dumey burburkiisi.

Xafiiska raysalwasaaraha ayaa ka tacsiyeeyey geerida Burci, waxaana markii u horeysey shaaciyey Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo uu mar ka tirsanaan jirey.

Burci Xamsa waxa u xilal kala duwan ka so qabtey Dowladdii kumeelgaarka ahayd ee Shiikh Shariif iyo tan Xasan Shiikh Maxamuud.

Dadka kale ee geeridooda la xaqijiyey waxaa ka mid ah laba nin oo dhakhaatiir ahaa oo midkood lagu sheegay Dr. Ducaale Maxamed Aadan Shahiid oo Aabihiis ahaa Dr. Shahiid oo 2009 lagu diley Hotel Shaamow.

Dhimashada ka dhacdey Hotel Naasa Hablood ayaa kor u kacdey, waxaana dadka badankiis dley qaraxii horeeyey ee derbiga lagu dhuftey.

Muuqaalo Khasaarihii Weerarkii Hotel Naaso-Hablood

Comments are closed