Jaaliyadda DDSI ee UK oo Taageeray Socdaalkii Madaxweynaha DDSI ee Australia

13518225_1770086633269046_835158712_oLondon (ESTV) 26/06/2016

Jaaliyadda DDSI Ee UK ayaa kulan ku yeeshay shaleyto Hoolka shirarka ee Safaarada Itoobiya Ee London Kulanka Ayaa ka Soo qeybgalay Dhamaan Xubnaha Jaaliyadda DDSI Ee UK iyo Taageerayaasha XDSHSI.

Kulan ka ayaa lagu Taageerayay Socdaalkii uu Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar uu tagay dalka Australia hadaba Jaaliyadda DDSI Ee UK ayaa aad u soo dhaweysay Safarkii Madaxweynaha DDSI ee Taariikhiga ahaa.

Xubnaha Ka Qeybgalaya Shirweynaha Qurbajoogta ee lagu Qaban Xaruunta Maamulka DDSI ee Jigjiga 7-July uga Qeybgalaya ayaa halkaa lagu sagootiyay Waxey kaloo kawada Hadleen Sidii loo Xoojin lahaa Taageerida Hormarka iyo Nabadgalyada iyo Maamulka Suuban ee ka jira dawlad deegaanka Somalida Itoobiya.

Dhamaan Xubnaha iyo Gudiga Jaaliyadda DDSI ee UK ayaa awxey isla Qaateen sidii markasta taageero buuxda loo siin lahaa Xukuumadda DDSI oo isbadal weyn ka fulisay deegaanka taasoo ah mid ay aad ugu farxeen dhamaan Qurbajoogta ku dhaqan dalka dibadiisa iyo shacabka ku dhaqan dalka gudihiisa.

Xukuumadda DDSI ayaa waxey awooda saartay sidii ay uga haqab tiri laheyd dhanka biyaha iyo Caafimaadka iyo waxbarashada taasoo ay waqtigan xaadirka ah la taaban karo wax yaabihii ay ka qabatay oo ay muuqdaan.

Ugu dambeytii Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSI ee UK Mudane Cali Taqal ayaa Soo Xiray kulanka ugana mahad celiyay dhamaan Jaaliyadda DDSI ee UK sida qurxda badan ay Uga soo Qeybgaleen kulanka Maanta kulan kaasi ayaa ku soo gabagaboobay Guul iyo farxad.

Comments are closed