Madaxweyne Cabdi Wafdi uu hogaamin oo Kaqaybgalay Shir Kusaabsanaa Strategyada TVETka Harar ka dhacay

Cabdi Maxamuud Cumar Harar (ESTV) 27/06/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa saaka xarunta deegaanka hararida ee magaalada harar kaga qaybgalay shir kusaabsanaa strategyada TVETka oo fahan buuxa laga siinayay hogaaminta dawlad deegaanada Canfarta, Benishangul, Hararida iyo deegaanka soomaalida oo kadhacay xarunta madaxtooyada harar.

Madaxweyne Abdi Shirkan oo soconaya mudo 2bari ah ayaa waxaa furaywasiiru dawlaha wasaarada TVETka mudane Tashome Lemma oo sheegay in strategyadan horumarinta xirfadaha iyo farsamadu ay tahay mida ugu sahlan ee lagu taabagaliyo horumarka islamarkaana hirgalisa gaadhida yoolasha iyo higsiga nidaamka warshadaha isagoo carabka kudhuftay in dhagaysashada casharada kadib ay jiri-doonaan doodo iyo falanqayn kusaabsan strategyada laqaatay. Waxaa kale oo uu wasiiru dawluhu intaa kudaray in shirkan lagu eegi doono kadal ahaan waxa inooga qorshaysan qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha wajiga 2, aad ee dhanka horumarinta xirfadaha iyo farsamooyinka.

CabdiHadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa kadib markuu hogaaminta dawlada deegaanada heerkooda kaladuwan kalaqaybgalay furitaankii shirkan dib ugu soo laabtay xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga

Comments are closed