Jaaliyadda DDS Waqooyiga America ay ku Taageerayaan Socdaalkii Madaxweynaha DDSI ee Australia

20160629_203207Minnsota (ESTV) 29/06/2016

Shir Lagu Taageerayey Socdaalkii Taariikhiga ahaa ee Waftigii Uu Madaxweynaha DDSI Mudane Abdi Mohamud Omar Uu kutagey wadanka Austrailia Iyo Soo Afjaridii Hadhaadigii Ubo Oo kadhacey North America.

Shir Ay Soo Qabanqaabiyeen Jaaliyada Degmada Qubi ee Gobolka Erereed Kana Soo Qaybgaleen Qaybaha Kala duwan ee Maamulka Jaaliyada Oo Si adag Loogu taageerey Guushii Taariikhiga Aheyd ee Lagu Soo afjarey Hadhaadigii Ubo Laguna Garab istaagey Waxqabadka Xukuumada Madaxweyne Abdi Mohamud ee Uu kuhormariyey Guud ahaan DDSI Iyo Gaar ahaan Degmada Qubi Laguna Xaqiijiyey Sidey xukuumadan uga Go’antahey Ladagaalanka Saboolnimada Iyo Hirgalinta Horumarka Cagaaran Oo ay aad uga Markhaati Kaceen Dhamaan Dadkii Kasoo qeybgaley

Shirka ay qabatey Beelweynta Reer Sacad Iyo sidey Uga soo Horjeedaan Shakhsigii Qaba fikirada Nabadiidnimo, nolol diid nimo, Iyo Afkaarta ururada Xagjirka ahba waxeyna beesha Reer Qubi Iyo Kasoo Qeybgalayaashiiba kunuuxnuuxsadeen ineyna Marnaba udulqaadaneynin Shakhsiyaadka Qaba fikirada Argagixisnimo ee Kasoo horjeeda Nabadgalyada horumarka Iyo Maamulka Suuban ee kahanaqaadey Guud ahaan DDSI Gaar ahaan Qubi xiliyadii udanbeysey ee Uu madaxweyne Abdi Mohamud Omar Xilka Hayey.

Masuulnimada,Daacadnimada leh waa mida madaxweynaha DDSI oo kale mudane Abdi mohamud Omar.

waxaa cad oo muuqata iney shacabka DDSI iney heleen hogaamin sax ah oo leh aragti shacab waana hogaankii kasaari lahaa saboolnimada iyo maamulxumi dii kajirijirtey DDSI waxaa lahelay dawadii maamulxumida waxaa la helay hogaan ujilicsan dadka shacabka ah ee tabartayar waxaa lahelay madaxweyne unugul dadka masaakiinta ah ee ubahan gargaar waxaa lahelay hogaamin ujilicsan midka buka,danyarta ah,abaartu saameyso.

Madaxweynaha DDSI Mudane Abdi mohamud Omar waa masuul waxkucabira baahida kajirta shacabka dhexdiisa iyo degmooyinka oo midwalba baahida kajirta wax kuqiimeeya waxna kaqabta baahida markaajirta waa madaxweyne aan Horey inoo soomarin oo ilaahey usoodirey shacabka kunool DDSI oo mudo farabadan kusoo jirey dhibaato iyo hogaamin xumo waa madaxweyne kuguuleystey Masuulnimadii loo igmadey ee ay ubaahnayeen shacabka DDSI

waa masuul Daacadnimadiisu tahey mid dhab ah oo ayna kujirin wax laqdabo ah waa madaxweyne ay ka go’antahey nabadgalyada,horumarka,iyo maamulka suuban waa madaxweyne ay ka go’antahey tirtirida saboolnimada iyo hirgalinta horumarka cagaaran waa masuul lagu nastey,Laguna diirsadey oo kor usooqaadey noloshii shacabka DDSI oo ah shacab ay dilootey maamul xumi.

Comments are closed